Al-Shabaab oo dad shacab ah ka afduubay Mandheera

18

Warbaahinta maxaliga ee Kenya ayaa sheegaya in Kooxda  Al-Shabaab ay afduub ahaan u kaxeysteen saddex qof oo la waayay kadib markii gaari bas ah oo ay la socdeen miino ku haleeshay Mandheera.

Baskan ay dadka la socdeen ayaa maalintii Isniinta ayaa la tilmaamay inuu qabsatay miino ay  dhulka ay ku aaseen dagaalamayaasha Al-Shabaab xili uu ku sii jeeday magaalada Nairobi.

Saraakiisha booliiska Kenya ayaa sheegay in ay dadkan Shabab la soo aadeen dhinaca Somalia, waxana ay sheegeen in ay ku raad joogaan.