Xil ka qaadis ka dhan ah Trump oo laga dalbaday ku xigeenkiisa

14

Afhayeenka Aqalka Wakiillada Maraykanka Nancy Pelosi ayaa cadaadis ku saaraysa madaxweyne ku xigeenka Maraykanka Mike Pence, in uu xafiiska ka saaro Donald Trump oo lagu eedeynayo doorkii uu ku lahaa weerarkii ay qaar kamid ah taageerayaashiisa ku qaadeen xarunta Koongareeska.

Sharci dajiyeyaasha ayaa dhankooda la filayaa in ay soo saaraan qaraar awood dheeraad ah siinaya madaxweyne ku xigeenka.

Hasa yeeshee Mike Pence ayaa dhankiisa la sheegayaa in uu kasoo hor jeedo qorshaha xil ka qaadis Trump.

Haddii uu diido qorshahaas Dimoqoraadiyiinta ayaa gudbin doona mooshin xilka looga qaadayo madaxweynaha uu waqtigiisu sii dhamaanayo ee Mareykanka.