Booliska Soomaaliya oo ka hadlay weerarkii ka dhacay Kaaraan

9

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Sadiiq Duudishe oo maanta shir jaraa’id ku qabtay degmada Kaaraan ayaa waxaa ka warbixiyay Weerar shalay Ciidan Boolis ah lagu dilay oo ka dhacay degmada kaaraan ee Gobolka Banaadir.

Sadiiq Duudishe ayaa waxaa  uu sheegay in weerarkasi ay soo qaadeen koox burcad ah oo hubeysan, kuwaasi oo uu sheegay in ay falal amni daro ka sameeyeen degmada kaaraan, isagoona sheegay in Ciidanka Booliska ay ku daba jiraan kooxdaasi.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa waxaa uu tilmaamay in burcada ay dileen labo ka mid ah Booliska Soomaaliya, iyagoo sidoo kale dhaawaac u gaystay  qof shacab ah, isagoona sheegay in ay caddaaladda ay hor keeni doonaan kooxdii shalay weerarka ka fulisay degmada Kaaraan.

Shalay  ayay ahayd markii Ciidamo ka tirsan milatariga Soomaaliya  ay weerareen ciidan boolis ahaa oo ku sugnaa Saldhigga degmada Kaaraan, waxaa ayna halkaasi ku  dileen labo ka mid ah Ciidanka Booliska iyo Qof shacab ah, waxaana la tilmaamay inay goobta isaga baxsadeen weerarka kadib.

Arrintaan ayaa la xariirto qulqulatooyin maalmahan ka taagnaa waqooyiga Muqdisho, iyo isku day la sheegay in  dowladda Soomaaliya ay ku  dooneyso inay kusoo qabato afar sarkaal, kuwaas oo haysta ciidan iyo hub badan.