Al-Shabaab oo kordhiyay weerarada ay ka fulinayaan G/waqooyi bari Kenya

5

Wararka ka imaanaya gobolka Waqooyi bari Kenya ayaa sheegaya in dagaalameyaal ka tirsan Al-Shabaab ay kordhiyeen weerarada ay ka geestaan gobolkaasi.

Siyaasiyiinta ka soo jeeda gobolka waqooyi bari ayaa sheegay in dowladda looga baahan yahay in ay wax ka qabato weerarada Al-Shabaab ay ka fuliyaan gobolkaasi.

Sidoo kale Siyaasiyiinta ayaa balanqaaday in ay ka qeyb qaadan doonaan howlgalada Al-Shabaab looga saarayo deegaanada ka tirsan gobolka waqooyi bare ee dalka Kenya.

Weerarada tooska ah iyo Qaraxyadda miinooyinka ah ee dhulka lagu Aaso ee Al-Shabaab ay ku qaadayaan gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya ayaa kordhay bilihii lasoo dhaafay.

Al Shabaab ayaa horey weeraro uga geysatay gudaha Kenya, waxaana gobolka ka socdaa howlgallo lagula dagaalamayo ururkan.