Shir looga hadlaayo Ammaanka oo Muqdisho ka furmay

33

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoomiyay shirweynaha isu duwidda  Amniga kaasoo maanta ka furmay Muqdisho.

Shirkaan aya sidoo kale looga hadlaya arimaha Caddaaladda, kaas oo ay ka qeyb galeen wasaaradaha iyo hay’adaha ka shaqeeya amniga iyo caddaaladda iyo wakiillo ka socda beesha caalamka.

Shirkaan ayaa sidoo  kale waxaa kasoo qeyb galay xubno ka socda maamulada dalka ka jira, iyadoo inta uu socdo lagu falanqeyn doono Xaaladda Ammaan ee  Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in maamulkiisa ay ka go’aan tahay sugitaanka Ammaanka iyo sidoo kale dhismaha ciidanka booliska Soomaaliyeed.