Wafdi Ka Socda Koonfur Galbeed Oo Gaaray Garoowe Iyo Ujeedka Safarkooda

33

Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland ayaa Maanta waxaa gaaray wafdi ka socday Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo uu hoggaaminayay Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Maamulkaas.

Garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ee Garoowe ayaa waxaa wafdiga oo isugu jiray Xildhibaano iyo xubno kale kusoo dhaweeyay Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Baarlamaanka Puntland Ismaaciil Maxamed Warsame, Xildhibaano iyo Mas’uuliyiin kale.

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Koonfur Galbeed Maxamed Nuur Macalin iyo wafdiga la socday ayaa Garoowe u tegay sidii ay uga qeyb geli lahaayeen Furitaanka Kalfadhiga 47aad ee Golaha Baarlamaanka Puntland.

Guddoomiye Maxamed Nuur Macalin ayaa inta uu ku sugan yahay Caasimadda Puntland ayaa waxaa kulan la qaadan doonaa Guddoonka Baarlamaanka Maamulkaas iyo Xildhibaano, iyagoo ka wada hadlay Arrimo ku aadan labada Baarlamaanka.

Maalinta berri ayaa la filayaa in Magaalada Garoowe ay ka dhacdo Munaasabad lagu daah-furayo kal-fadhiga 47aad ee Baarlamaanka Maamulka Puntland, isla markaana waxaa ka qeyb geli doona Mas’uuliyiin kala duwan.