Kenya oo Jubbaland ku wareejisay seddax ka mid ah dadkii ay ka afduubatay Gedo

26

Wararka aan heleyno xuduuda Soomaaliya iyo Kenya ayaa sheegaya in dib xorriyadooda ay u heleen seddax qof oo ka mid ahaa dadkii dhawaan ay ciidamada Kenya ka afduubteen deegaano hoos taga magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Ciidamada Kenya ayaa 23-kii bishii hore dad shacab ah oo Soomaaliyeed ka afduubtay tuulooyin hoos taga Ceelwaaq, iyagoo kuwo kalena dilay, waxaana ka dhashay banaanbaxyo looga soo hor jeeday falalkaas.

Kenya ayaa seddaxdaas qof ku wareejisay guddigii dhawaan loo xilsaaray baaritaanka arrintaas ee ka socday maamulka Jubbaland.

Sidoo  kale waxaa weli gacanta ciidamada Kenya ku jira illaa afar qof oo kale, kuwaas oo ay ka afduubteen deegaanka Konton oo hoos taga degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, waxaana socda dadaalo lagu soo deynayo dadkaas.