NISA oo shaacisay inay qabatay kiimiko loo waday Al-Shabaab iyo dadkii waday

10

Qoraal ka soo baxay hey’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa lagu sheegay in la qabtay kiimikaal qatar ah oo qaraxyada lagu sameeyo.

Nooca kiimikada la qabtay ayey NISA ku sheegtay ‘Sulfuric Acid’ sidoo kale dadkii waday ayaa la qabtay, sida lagu shaaciyey qoraalka.

“Waxaa gacanta lagu dhigay 79, Tan oo maadada “Sulfuric Acid”ah & Shakhsiyaadkii dalka soo galiyey, una gudbinayey Maafiyada Alshabaab, waxayna wajihi doonaan Sharciga” ayaa lagu yiri Qoraalkan oo lagu baahiyey barta Twitterka ee NISA.

Qoraalka ayaa intaas ku daray, “Baaritaanka Maadadan waxaa ka wada shaqaynaya NISA & Hey’adaha ay iska kaashadaan ladagaalanka Aragagixisada.”