Kulan looga hadlayay Arrimaha Shidaalka oo Baydhabo ka dhacay

28

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa Magaalada Baydhabo ee Xarunta kumeel gaarka ah Dowlada Koonfur Galbeed kulan kula qaatay Gudoomiyaha Hay,adda Batroolka Somaliyeed iyo Wafdi uu hogaaminayey oo ay qeyb ka ahayeen Gudoomiye ku xigeenka Wakiilka Koonfur Galbeed Hay,adda Batroolka uqaabilsan oo Shalay Baydhabo soo gaaray

Qasriga Madaxtooyada oo ka qabsoomay kulanka ayaa Madaxweynaha so dhoweyey Wafdiga waxaana uu ka dhagaystay socdaalkooda Baydhabo iyo Qorshaha uga Degsan soo Saarida Batroolka si Kheyraadka Batroolka looga Faideyo Bulshada Soomaaliyeed Qeynba uga qaato Kobcinta Dhaqaalahana Dalka

Eng Ibraahim Ali Xuseen Gudoomiyaha Gudiga hay,adda Batroolka ahna Mareeyaha hay,adda ayaa Warbixin ku Saabsan Safarkooda Baydhabo kasiiyey Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Lafta gareen Waxaana uu sheegey inuu yahay Safar ay ku xoojinayaan Wadashaqaynta Wasaaradda Batroolka Koonfur Galbeed iyo Hay,adda si si wadajir ah looga qeyb qaato soo saarida Batroolka Dalka

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa Ayaa uga Mahadceliyey Gudiga Hay,adda Batroolka Socdaalkoodi ugu horeyey ee Baydhabo ay ku imaadeen Taasi oona muujinaysa Dadaalada Dowlada Koonfur Galbeed ay ku xoojinayso So saarida kheyraadka ku jira Deeganada Koonfur Galbeed Waxaana ku bogaadiyey muhiimada Dalka ay uleedahay Soo saarida kheyraadka .