Odoyaal iyo waxgarad ku sugan degmada Dolow oo soo dhaweeyey Shirweyne Beelaha Jubbaland oo ka furmi doono Garbahaarey

39

Qaar ka mid ah Salaadiinta iyo Waxgaradka ku sugan Degmada Dolow ee Gobolka Gedo ayaa shir Jaraa,id oo ay ku qabteen degmadaasi waxay si weyn ugu taageereen Shir weyne dib u heshiisiin oo Dhowaan Beelaha ka soo jeeda Jubbaland ay ku yeelanayaan magaalada Garbahaarey,kaasi oo qaban qaabadiisu ay ka socoto Garbahaarey.

Suldaan Iftiin Maxamuud Cali oo ah Afhayeenka Salaadiinka Beelaha Jubbaland ee Gobolka Gedo ayaa sheegay shirweynaha ka furmi doona maal mahan socda Garbaharey in ay ka soo baxi doonaan go,aano waxtar u leh shacabka jubbaland.

Sidoo kale Nabadoon Isaaq Cali oo ka mid ah Odoyaasha degmada Dolow ayaa dardaaran dheer u jeediyey Shacabka soomaaliyeed marxaladan lagu jiro inay midnimo muujiyaan,islamarkaana ay ka fogaadaan wax kasta oo dumin kara Dowladnimada Soomaaliya.